Antonio Rudiger oo ka maqan shaxda kooxda Chelsea ee ka hortagaya Liverpool, xilli mustaqbalkiisa uu shaki ku jiro

(London) 20 Sebt 2020. Antonio Rudiger ayaa la soo warinayaa inuu ka maqan yahay shaxda kooxda Chelsea ay u diyaarsatay inay ku wajahdo maqribnimada maanta kooxda Liverpool, inkastoo xiddigan uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa Blues.

Xiddiga xulka qaranka Jarmalka ayaa taam buuxa ah, laakiin tababare Frank Lampard ayaa daafacan dhexe aan ku darsan qorshihiisa uu ku wajahayo kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ee Reds.

Rudiger ayaa ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii ay guusha ka gaareen Brighton habeenkii isniinta ee aynu ka soo gudubnay.

Go’aankaas ayaa calaamad su’aal geliyey booska Rudiger ee kooxda Blues iyo qorshaha macallin Lampard ee inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Suuqa kala iibsiga ayaa albaabada loo laabayaa 5 bisha October, Rudiger ayaana noqon kara mid baxaya haddii uu helo kooxo xiiseynaya saxiixiisa.

Yeelkeede, waxaa heshiiskiisa haatan ee Chelsea uga harsan Rudiger labo sanadood, laakiin Blues lafteeda ayaan la furin wax wadahadallo ah oo heshiis kordhin ah.

Waxaa la sheegayaa in Rudiger uu ka caawiyey Timo Werner inuu ku soo biiro kooxda Premier League ee Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close