RASMI: Tottenham oo ku dhawaaqday inay la soo wareegtay xiddigaha Reguilón iyo Bale

(London) 19 Sebt 2020. Naadiga reer England ee Tottenham ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay lasoo saxiixatay daafaca bidix kooxda Real Madrid ee Sergio Reguilón.

Kooxda reer England ee Tottenham ayaa ka saxiixatay Sergio Reguilón heshiis gaaraya ilaa iyo 2025.

Tottenham Hotspur ayaa bayaan ay ku soo qortay website-keeda rasmiga ah waxay ku shaacisay:

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno saxiixa Sergio Reguilón oo ka yimid Real Madrid”.

“23 jirkaan daafaca bidix ah ayaa kooxda u saxiixay heshiis gaaraya ilaa iyo 2025 wuxuuna xiran doonaa maaliyada No. 3”.

Dhinaca kale kooxda Tottenham ayaa si rasmi ah u shaacisay inay soo ceshatay xiddigeedii hore reer Weles ee Gareth Bale, kaasoo kaga soo dhaqaaqay naadiga Real Madrid, heshiis hal xilli ciyaareed oo amaah ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close