RASMI: Liverpool oo shaacisay inay dhameystirtay heshiiska Diogo Jota

(Liverpool) 19 Sebt 2020. Liverpool ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska xiddiga reer Portugal ee Diogo Jota, kaasoo ay ka soo qaadatay kooxda Wolverhampton.

Sida lagu shaacisay website-ka ee kooxda Liverpool xiddiga reer Portugal ee Diogo Jota ayaa heshiis waqti dheer ugu biiray naadiga Reds.

Diogo Jota ayaa kaddib markii uu saxiixay heshiiska cusub ee kooxda Liverpool wuxuu ka hadlay dareenkiisa wuxuuna yiri:

“Runtii waa xilli xiiso inoo leh aniga iyo qoyskaygaba, tan iyo markii aan yaraa waxay riyadeyda aheyd inaan ku biiro koox sida Liverpool ah, waa wax aan la rumeysan karin”.

“Waa mid ka mid ah kooxaha adduunka ugu fiican, waa tan ugu fiican xilligan, sababtoo ah waa geesiyaasha adduunka”.

“Markaad eegto Horyaalka Ingiriiska, waxaad mar walba u aragtaa Liverpool inay ka mid tahay kooxaha ugu waa weyn dalka, sidaas darteed macquul ma ahan in la diido dalabka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close