RASMI: Kooxda Juventus oo xaqiijisay in mid ka mid ah xiddigaheeda uu garoomada ka maqnaan doono dhowr todobaad

(Turin) 19 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah xiddigaheeda uu garoomada ka maqnaan doono dhowr todobaad.

Naadiga reer Talyaani ee Juve waxa ay xaqiijisay in ciyaaryahankeeda Alex Sandro uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan labo todobaad, laakiin Paulo Dybala uu ku soo laabtay tababarka.

The Bianconeri ayaa marti gelinaysa Axadda Kooxda Sampdoria kulankeeda furitaanka horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan 2020/21.

Bayaan ka soo baxay kooxda Juventus ayaa lagu xaqiijiyey in daafacan garabka bidix ee Alex Sandro uu la maqnaan doono dhaawac muruqa bowdada midig ah qiyaastii muddo 15 maalmood ah.

Taasoo la micno ah inay u badan tahay in Sandro uu qiyaastii garoomada ka maqnaan doono saddex todobaad.

Yeelkeede, Warka kale ee wanaagsan oo ay kooxdu shaacisay ayaa ah in Dybala uu saakay tababarka ku soo laabtay inkastoo uusan weli ku jirin shaxda berri ee Tababare Andrea Pirlo.

Federico Bernardeschi iyo Matthijs de Ligt ayaa sidoo kale dhaawac ku maqan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close