RASMI: Kooxda Barcelona oo shaacisay xiddigaha uga qeyb galaya Koobka Gamper… (Miyey ku jiraan Pjanic, Suarez iyo Vidal?)

(Barcelona) 19 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku dhawaaqday liiska kama dambeysta ah ee xiddigaha uga qeyb galaya koobka Gamper, waxaana ku soo baxay Pjanic iyo Fati, halka Puig, Suarez iyo Vidal ay ka maqan yihiin liiskan.

Tababare Ronald Koeman kooxdiisa ayaa ka hor tagi doonta caawa naadiga Elche, waxaana liiskan laga waayey Riqui Puig si la mid ah Suarez iyo Vidal oo la la xiririinayo inay kooxda Catalan ka tagi doonaan.

Miralem Pjanic iyo Ansu Fati ayaa ku soo baxay liiskan oo ku jira, iyadoo xiddigii hore ee Kooxda Juventus uu safan doono kulankiisii ugu horreeyey ee Barcelona, Fati ayaa isaguna kooxda dib ugu soo laabtay oo u ciyaari doona kaddib markii uu dhaawac sinta ah ku seegay kulamadii ugu dambeeyey.

Sidoo kale xiddigaha dhammaantood la la xiriirnayo inay ka tagi doonaan garoonka Camp Nou ee kala ah Rafinha Alcántara, Moussa Wagué, Luis Suárez iyo Arturo Vidal ayaa liiskan ka maqan oo aan la soo xulan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska 23-ka ciyaaryahan ee kama dabeysta oo ay Barcelona u soo xulatay Gamper:-

Neto, Peña, Semedo, Sergi Roberto, Piqué, Alba, Lenglet, Junior, Sergio Busquets, Pjanic, De Jong, Aleñá, Pedri, Griezmann, Messi, Trincao, Dembélé, Braithwaite, Coutinho, Fati, Araujo, Konrad and Tenas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close