Liverpool oo ku fikireysa inay qaado talaabo ay ku fasaxeyso mid ka mid ah xiddigaheeda

(Liverpool) 19 Sebt 2020. Liverpool ayaa qorsheeneysa inay qaado talaabo ay ku fasaxeyso qaar ka mid ah  xiddigaheeda, si ay u hesho xoogaa lacag ah oo ay ku sameyso heshiisyada ay u baahan tahay inay ka sameyso suuqan xagaaga.

Warbaahinta Ingariiska ayaa xaqiijisay in Liverpool ay ku dhowdahay inay heshiiskeedii labaad ku dhameystirto 48 saacadood gudahood, kaddib markii ay la saxiixatay Thiago Alcantara.

Haddaba wargeyska “Liverpool Echo” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Liverpool iyo macalinkeeda reer Germany ee Jürgen Klopp ay haatan ku fikirayaan inay iibiyaan weeraryahanka reer Belguim ee Divock Origi kaddib imaatinka Diogo Jota.

Transfer News: Liverpool open to cashing in on Divock Origi

Divock Origi ayaa la ogyahay inuu boos weyn ku leeyahay quluubta taageerayaasha Liverpool kaddib markii uu laba gool oo taariikhi ah ka dhaliyay Barcelona kulankii semi-finalka Champions League ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay kii ka sii horreeyay oo ay ka qaaden Tottenham.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close