Daawo muuqaalka uu Marcelo maanta kaga yaabiyay taageerayaasha uu ku leeyahay TikTok

(Madrid) 19 Sebt 2020. Marcelo wuxuu isku kululeeyay bilowga xilli ciyaareedkan cusub ee 2020/21, isagoo xoogaa qoob ka ciyaar ah ku soo bandhigay TikTok.

Daafaca Real Madrid ayaa muuqaalkiisa ku soo bandhigay baraha bulshada gaar ahaan TikTok, isagoo qoob ka ciyaaraya ama jaasaya, taas oo ka farxisay taageerayaashiisa.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa u muuqda inuu ku jiro qaab ciyaareed wanaagsan, waxaana la filayaa inuu qeyb ka noqdo kulanka kooxdiisa Los Blancos ay u safreysa berri oo Axad ah naadiga Real Sociedad.

VIDEO:

@marcelotwelve@nameisjaime @tu_pana_miguel.1 @ivano10mm Ivano, Jaime, Liam, Enzo, Lucas and Ema♬ quincynsb go daddy go – Quincy Boykins🐺🌪

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close