Arsenal oo garoonka Emirates guul dirqi ah kaga gaartay kooxda West Ham… +SAWIRRO

(London) 19 Sebt 2020. Arsenal ayaa garoonka Emirates guul dirqi ah kaga gaartay kooxda West Ham, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca labaad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbadhac 1-1 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood.

Daqiiqadii 25-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Alexandre Lacazette, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Pierre-Emerick Aubameyang.

Laakiin daqiiqadii 45-aad West Ham United ayaa heshay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Michail Antonio, iyadoo caawinta goolkan uu lahaa Ryan Fredericks.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 85-aad Arsenal ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 2-1 ka dhigay dheesha Edward Nketiah, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Daniel Ceballos.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1 oo ay Arsenal kaga adkaatay kooxda West Ham United oo marti ugu aheyd garoonka Emirates, Gunners ayaana kulankeedii labaad guul ka gaartay horyaalka Premier League kal ciyaareedkan ee 2020-21.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close