“Waxaan awoodnaa inaan markale ku guuleysano Premier League” – Ferran Torres

(Manchester) 18 Sebt 2020. Xiddiga cusub kooxda Manchester City ee Ferran Torres ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo in kooxdiisa Sky Blue ay awood u leedahay inay markale dib u hanato horyaalka Premier League, oo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ay u lumiyeen Liverpool oo 30 sano kaddib ku guuleysatay.

Wargeyska “Mirror” ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Ferran Torres, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Liverpool waa koox aad u xoogan, waxayna cadeeyeen taas sanadihii la soo dhaafay”.

“Isla waqtigaas, waxaan u maleynayaa inaan heysano koox awood leh, si aan markale ugu guuleysano horyaalka Premier League”.

“Kooxda waxay diyaar u tahay inay guuleysato kulan kasta”.

Torres completes switch to Man City

“Waxaan heysanaa koox ciyaartoy ah oo awood u leh inay wajahaan koox kasta ee ka hortimaada, waxaana awoodnaa inaan wax weyn ku qabano Champions League”.

Intaas kaddib Ferran Torres ayaa wax laga weydiiyay xiddiga uu u arko inuu yahay kan ugu fiican ee kooxda Manchester City, wuxuuna yiri:

“Kooxda waxaa ku sugan xiddigo badan oo cajiib ah, laakiin waxaa laga yaabaa in De Bruyne uu ugu fiican yahay”.

“Isagu waa mid ka mid ah kabtanada kooxda, waana macquul inuu ka mid yahay ciyaartoyda iigu cajaa’ibka badan aniga ahaan, waa ciyaaryahan heer caalami ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close