Robertson oo shaaca ka qaaday fikirkiisa ku aadan heshiiska uu Thiago Alcantara ugu biirayo kooxda Liverpool

(Liverpool) 18 Sebt 2020. Xiddiga reer Scotland iyo kooxda Liverpool ee Robertson ayaa shaaca ka qaaday fikirkiisa ku aadan heshiiska uu Thiago Alcantara ku imaanayo garoonka Anfield.

Dhowr warbixin saxaafadeed ayaa lagu xaqiijiyay in Liverpool ay heshiis kama dambays ah la gaartay kooxda Bayern Munich, kaasoo ku saabsan in Thiago Alcantara uu ugu dhaqaaqo Reds qiimo dhan 22 million euros.

Robertson ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Sky Sports” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

“Marka aad tahay koox sida Liverpool ah, waxaa lagula xiriirinayaa ciyaartooy mar walba, anaga ahaan waxaan diirada saarnaa kooxdeen”.

“Ma jiro qof Melwood jooga ee dhageysta wararka xanta ah, marka laga hadlayo Thiago, ama ciyaaryahan kale oo haatan lala xiriirinayo inuu nala saxiixanayo”.

Thiago would improve 'any team' in the world - Robertson discusses  'fantastic' player ahead of Liverpool move | Goal.com

“Waan daawaday Thiago Alcantara, waa xiddig weyn, oo tayo badan leh”.

“Wuxuu tayo ku kordhin karaa koox kasta oo adduunka ah, sidaas darteed haddii aan heshiis la galno isaga, wax weyn ayay noqon doontaa”.

“Waan sugi doonaa waana arki doonnaa illaa iyo inta laga xaqiijinayo arrintan, kaddibna mar kale ayaan fariisan karaa oo waxaan ka hadli karaa tayadiisa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close