RASMI: Messi oo hoggaaminaya liiska xulka qaranka Argantina ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022

(Argantina) 18 Sebt 2020. Waxaa la shaaciyey Liiska xiddigaha xulka qaranka Argentina uga qeyb-galaya labada kulan soo aaddan ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022.

Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kaga qeyb galaya labada kulan Ecuador iyo Bolivia ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 lagu qaban doono dalka Qatar.

Xulka qaranka Argentina ayaa martigalinaya Ecuador Khamiis October 8-deeda, ka hor inta aysan u safrin Bolivia 13-ka isla bisha October.

Liiska xiddigaha xulka qaranka Argantina, uu ku dhawaaqay tababare Lionel Scaloni waxaana hoggaanka u haya kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Mess, iyo sidoo kale Lautaro Martínez.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha xulka qaranka Argentina uga qeyb-galaya labada kulan soo aaddan ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022.:-

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close