RASMI: Bruno Fernandes oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee kooxda Man United

(Manchester) 18 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa si rasmi ah u shaacisay laacibka ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee kooxda.

Laacibka khadka dhexe reer Portugal ee Bruno Fernandes ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee Kooxda Manchester United.

De Bruyne ayaa helay codad dhan 35.5%, wuxuuna abaal-marinta ku garaacay xiddiga kala ah Anthony Martial oo helay 34%, iyo Marcus Rashford oo kaalinta saddexaad galay wuxuu helay 10.4%.

Bruno Fernandes ayaa ka hadlay dareenkiisa kaddib markii loo caleemo saaray abaal-marintan, wuxuuna yiri:

“Xaqiiqdii waxaad jeceshahay inaad kula guuleysato koobab wadajir ah kooxda, balse dabcan waxaan ku faraxsanahay inaan sidoo kale ku guuleysto koobab shaqsiyadeed”.

“Koobabka shaqsiyeed aad ayey muhiim ugu yihiin laacibka, sababtoo ah waxay isaga ka dhigayaan inuu dareemayo farxad, runti waan faraxsanahay”.

“Runtii waxaan doonayaa inaan tan ku daro koobab badan oo aan kula guuleysto kooxda iyo taageerayaasha, sababtoo ah way u qalmaan” ayuu yiri Bruno Fernandes.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close