Pep Guardiola oo ka hadlay xaalada dhaawacyada kooxda Man City kahor kulanka Wolverhampton

(Manchester) 18 Sebt 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay go’aanka Lionel Messi ee ah inuu sii joogayo Barcelona xilli ciyaareedkan cusub ee 2020/21.

Pep Guardiola ayaa dhinaca kale hadlay xaalada dhaawacyada ee kooxda Manchester City, kahor kulanka ay Isniinta ka ciyaarayaan horyaalka Premier League.

Tababaraha reer Spain ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id maanta oo jimco ah, kahor kulanka ay ku wada ciyaari doonaan kooxaha Manchester City iyo Wolverhampton Isniinta horyaalka Premier League.

Pep Guardiola oo ka soo hor muuqday warbaahinta ayaa ka hadlay go’aankii Messi uu ku qaatay inuu sii joogo kooxdiisa Barcelona, wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa inaan ku qasbaneyn inaan sharaxaad ka bixiyo wax walba”.

“Isagu wuxuu dareenkiisa u cadeeyay qof walba hadana waa ciyaaryahan kubadda cagta ah ee ka ciyaara Barcelona… kooxdii aan jeclaa yaraanteyda”.

Intaas kaddib Pep Guardiola oo ka hadlayay xaalada dhaawacyada kooxdiisa ayaa wuxuu yiri:

“Aguero diyaar ma ahan, walina tababarka nalama qaadan ilaa iyo hadda”.

“Aymeric Laporte dhankiisa lama heli karo, sababtoo ah kuma soo laaban tababarka ilaa iyo maanta”.

“Balse Riyad Mahrez wuxuu ku soo laabtay tababarka kooxda 4 maalmood ka hor sidaa darteedna waa diyaar”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close