“ku biiritaankeyga Juventus weli waa macquul” – Luis Suarez

(Yurub) 18 Sebt 2020. Wargeyska “Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in ku biirista Luis Suarez ee kooxda Juventus ay wali macquul tahay, sida uu laacibku saxaafada u sheegay.

Magaca Luis Suarez ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo safka kooxda Barcelona xagaagan, kaddib markii uu noqday xiddig uusan u baahneyn tababaraha reer Holland ee Ronald Koeman.

Luis Suarez ayaa u safray Talyaaniga Khamiistii si uu u soo maro imtixaan luuqadeed, kaasoo qayb ka ah isku daygiisa uu ku doonayo inuu ku helo baasaboorka Talyaaniga, taasoo u fududeeneysa bixitaankiisa, si uu ugu ciyaaro horyaalka Serie A, sida ay saxaafadu sheegtay.

Haddaba Wargeyska “Gazzetta dello Sport” ayaa weydiiyay Luis Suarez kaddib markii uu yimid Talyaaniga su’aal ah in heshiiska uu ugu biirayo Juventus uu wali socdo, ciyaaryahanka ayaa ku jawaabay:

“Haa, way dhici kartaa”.

Waxaa xusid mudan in heshiiska Luis Suarez ee kooxda Barcelona uu dhacayo xagaaga 2021.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close