Van de Beek oo shaaca ka qaaday sababta ka dambeysay inuu ku dhiirado heshiiskii uu ugu biiray kooxda Man United

(Manchester) 17 Sebt 2020. Ciyaaryahanka cusub ee khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Donny van de Beek ayaa sharaxaad ka bixiyay sida halyeeyga kooxda ee Robin van Persie uu door ugu lahaa inuu ku biiro Red Devils.

23-sano jirkaan ka soo baxay akadeemiga kooxda reer Holland ee Ajax ayaa lacag qaali ah oo dhan 35 milyan oo gini oo u dhiganta 46 milyan oo dollar ugu biiray kooxda ku dheesha garoonka Old Trafford.

Haddaba “Daily Star” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday, wareysi uu bixiyay Donny van de Beek, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Wax badan ayaan daawaday Manchester United markii aan yaraa, sababtoo ah ciyaartoy badan oo reer Holland ah ayaa kooxda ku sugnaa, weyna fiicneyd inaan halkan ku daawado ciyaartoy Netherlands ah da’adaas”.

Donny van de Beek oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu tilmaamay magacyada xiddigaha reer Holland uu ku daawaday kooxda Manchester United, waxaana ka mid ah Daley Blind, Edwin van der Sar iyo Robin van Persie, kuwaasoo dhamaantood waqtiyo cajiib ah ku soo qaatay Red Devils.

Si kastaba ha noqotee, taageerayaasha Man United ayaa rajeynaya in Van de Beek uu sabab buuxda u noqdo in kooxda ay cagta saarto wadada saxda ah, isla markaana ay ugu dagaalanto tartamada gudaha iyo kuwa Yurub intaba. 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close