RASMI: Xiddigaha u sharran abaal-marinnada laacibka boos walba ugu fiican sanadka UEFA ee Weerarka, Khadka dhexe, Daafaca iyo Goolhayaha oo la shaaciyey… (Messi iyo Ronaldo oo laga waayey!)

(Yurub) 17 Sebt 2020. Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey xiddigaha u sharraxan abaal-marinta boos walba ee ugu fiican sanadka sida Goolhayaha ugu wanaagsanaa, daafaca, khadka dhexe iyo weerarka ugu fiicnaa.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa laga waayey musharrixiinta abaal-marinnada UEFA, waxaana ku soo baxay Lewy & lix xiddig ee kale oo kooxda Bayern Munich ah oo lagu daray Neymar.

Kooxda koobka ku guuleysatay ayaa xiddigaha ugu badan ku yeelatay musharraxiinta abaal-marinnada UEFA Champions League 2019/20, waxaana ay ku yeesheen 7 ciyaaryahan.

Waa markii ugu horreysay oo la shaaciyey saddexda goolhaye ee ku tartami doona abaal-marinta goolhayaha ugu fiican sanadka, waxaa ay kala yihiin Keylor Navas, Manuel Neuer iyo Jan Oblak.

UEFA ayaa sidoo kale shaacisay xiddigaha u sharraxan abaal-marinta daafaca sanadka, waxaana saddexda difaac ee ku tartami doonta ay u ciyaarayeen kooxda ku guuleysatay tartanka Champions League, waana David Alaba, Alphonso Davies iyo Joshua Kimmich.

Sidoo kale waxaa iyana la magacaabay saddexda laacib ee u sharraxan abaal-marinta xiddig sanadka ee Khadka dhexe, waxaana ku tartami doona Kevin De Bruyne, Thomas Müller iyo Thiago Alcántara.

Saddexda weeraryahan ee abaal-marinta weeraryahanka sanadka ee UEFA ku tartami doona waxa ay kala yihiin Robert Lewandowski iyo labada xiddig ee PSG, Kylian Mbappé iyo Neymar Jr.

Haddaba halkaan hoose ka eeg xiddigaha u sharraxan abaal-marinta sanadka boos walba ee UEFA:-

Goolhayeyaasha: Keylor Navas (Paris Saint-Germain), Manuel Neuer (Bayern), Jan Oblak (Atlético de Madrid)

Daafacyada: David Alaba (Bayern), Alphonso Davies (Bayern), Joshua Kimmich (Bayern)

Khadka dhexe: Kevin De Bruyne (Manchester City), Thomas Müller (Bayern), Thiago Alcántara (Bayern)

Weerarka: Robert Lewandowski (Bayern), Kylian Mbappé (Paris Saint-Germain), Neymar (Paris Saint-Germain)

Si kastaba ha noqontee, waxaa abaal-marinnada la bixin doonaa 01 bisha October marka la qabanayo isku aadka wareegga Guruubyada ee Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close