DEG DEG: Bayern Munich oo xaqiijisay inay Liverpool kala heshiisay saxiixa Thiago Alcantara

(Munich) 17 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee dalka Jarmalka ayaa xaqiijisay inay Liverpool heshiis kala gaareen saxiixa Thiago Alcantara.

Madaxda Kooxda Bayern Munich ee Rummenigge ayaa xaqiijiyey heshiiska ay Liverpool la gaareen kaasoo uu dhinaca Anfield ugu wareegayo Thiago Alcantara.

Karl-Heinz Rummenigge ayaa u xaqiijiyey Wargeyska Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka inay heshiiska kala gaareen kooxda reer England ee Reds saxiixa Alcantara.

Rummenigge oo ka hadlayay arrinta 29 sano jirkaan reer Spain ayaa yiri “Bavaria waxa ay heshiis la gaartay Liverpool, Thiago waa uu tagayaa”

faah faahinta heshiiskan iyo qiimaha xiddigan lagula wareego waan idiin soo gudbin doonaa Hadduu Eebbe idmo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close