Danilo oo ammaanay saaxiibkiis Cristiano Ronaldo, muxuuse ka yiri Andrea Pirlo??

(Turin) 17 Sebt 2020. Daafaca reer Brazil iyo kooxda Juventus ee Danilo ayaa ammaanay saaxiibkiis Cristiano Ronaldo, wuxuuna tilmaamay inuu yahay mid xitaa tababarka ku tartama.

Wargeyska “CalcioMercato” ayaa shaaciyay wareysi uu bixiyay Daafaca reer Brazil iyo kooxda Juventus ee Danilo, wuxuuna yiri:

“Waxa uu garoonka ku sameeyo, iyo tirakoobyadiisa ayaa wax walba sheegaya, waa dagaalyahan, wuxuuna sidaas ku muujiyay kulamada”.

“Ronaldo wuxuu leeyahay karti badan, waa nin dhalinyaro ah oo cajiib ah, waxaan la leeyahay xiriir aad u wanaagsan, maadaama aan saaxiibo ku soo aheyn Real Madrid”.

Intaas kaddib Danilo ayaa wuxuu ka hadlay macalinka cusub ee kooxda Juventus Andrea Pirlo, wuxuuna yiri:

“Wuxuu u garanayaa Juventus gudaha, wuuna garanayaa sida uu fariintiisa ugu gudbin lahaa ciyaaryahan walba oo kooxda ka tirsan, iyo sida uu kaga heli lahaa iyaga waxa ugu fiican”.

“Wuxuu adeegsanayaa fikradaha xeeladaysan ee cajiibka ah, weyna u cadahay waxa uu doonayo, maalmihii ugu horreeyay ee aan la qaatay Pirlo runti wax wanaagsan ayay ahaayeen”.

Si kastaba ha noqotee, Juventus ayaa isku diyaarineysa olalaheeda horyaalka Talyaaniga ee xilli ciyaareedka cusub, waxayna jamaahiirta Bianconeri rajeynayaan in kooxda ay sii wadi doonto ku guuleysiga tartamada gudaha ah, isla markaana Pirlo iyo wiilashiisa ay awood u yeelan doonaan inay ka dhabeeyaan riyadii ahayd ku guuleysiga Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close