Kumaa loo doortay xiddiga xilli ciyaareedka 2019/20 ugu fiicnaa Kooxda Bayern Munich?… (Ma Alphonso Davies mise Lewandowski?)

(Munich) 16 Sebt 2020. Waxaa la shaaciyey ciyaaryahanka loo doortay inuu ahaa xiddiga xilli ciyaareedka ugu fiicnaa kooxda Bayern Munich, iyadoo ay ku tartameen dhowr xiddig oo bandhig wacan sameeyey.

Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa loo codeeyey inuu yahay xiddiga xilli ciyaareedka ee Kooxda Bayern Munich.

Lewandowski oo kaalinta koowaad galay ayaa helay 51% codadkii la dhiibtay, halka kaalinta labaad uu ka soo muuqday Alphonso Davies oo helay 16% cod.

Kaalinta ugu hooseysa waxaa ka soo muuqday Thomas Müller oo laftiisu shaqo badan u qabtay qeyb libaaxna ka qaatay in kooxdu ay ku guuleysato saddexleey koobab ah, kaasoo helay 13% codadkii la dhiibtay.

Haddaba halkaan hoose ka eeg sida ay xiddigahan u kala heleen codadka ciyaaryahanka xilli ciyaareedka 2019/20 ee kooxda Bayern Munich:-

1- Robert Lewandowski 51%

2- Alphonso Davies 16%

3- Thomas Müller 13%

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close