Kaddib heshiiskii cusbaa oo uu saxiixay Aubameyang, waa kuwee 10-ka ciyaaryahan ee ugu mushaharka badan Kooxda Arsenal?

(London) 16 Sebt 2020. Waxaa la shaaciyey tobanka ciyaaryahan ee ugu mushaharka badan kooxda kubadda cagta Arsenal, kaddib markii heshiis cusub laga saxiixay mushaharkana loo kordhiyey Pierre-Emerick Aubameyang.

Aubameyang ayaa noqday ciyaaryahanka ugu mushaharka badan kooxda kubadda cagta Arsenal, kaddib markii uu heshiis cusub qalinka ugu duugay heshiis cusub.

31-sano jirkaan ayaa soo afjaray wararka la isla dhexmarayay ee ku saabsan mustaqbalkiisa, isagoo saxiixay heshiis saddex sano ah oo uu ku sii joogayo garoonka Emirates.

Mushaharkiisa ayaa sare loo qaaday haatan, waxaana uu arki doonaa isagoo jeebka ku shubanaya todobaadkii 350,000 oo gini iyo lacago kale oo dheeri ah.

Tani waxa ay ka dhigtay Auba inuusan kaliya noqonin ciyaaryahanka ugu mushaharka badan Gunners ee ka sarreeya Mesut Ozil, laakiin waa shaqsiga ugu mushaharka badan horyaalka Premier League.

Kaalinta koowaad ee xiddigaha ugu musharka badan kooxda Arsenal waxaa ku jira maadaama uu qaato 350,000 oo gini iyo lacago kale oo dheeri ah.

Mesut Ozil ayaa ku jira kaalinta labaad kaasoo todobaadkii jeebka ku shubta 350,000 oo gini oo kaliya.

Saxiixa cusub ee Kooxdaas Willian ayaa ka soo muuqday kaalinta saddexaad ee xiddigaha ugu mushaharka badan Arsenal, waxaana uu qaataa 220,000 oo gini.

Lacazette oo qaata 182,000 oo gini iyo Pepe oo u xaadira 140,000 ayaa ku soo xiga.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda Arsenal:-

Pierre-Emerick Aubameyang will be Arsenal's highest-paid player

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close