Wakiilka Lautaro Martínez oo ugu dambeyn go’aan ka gaaray mustaqbalka ciyaaryahanka ee Kooxda Inter Milan

(Milano) 15 Sebt 2020. Wakiilka Lautaro Martínez ee Carlos Alberto Yaqué ayaa xaqiijiyay in xiddiga uu dalaalka ka yahay ee reer Argantina uu sii joogi doono kooxda Inter Milan.

Dhinaca kale Alberto Yaqué oo ah wakiilka Lautaro Martínez ayaa xusay inuusan kala xiriirin maamulka Real Madrid arrinta ku saabsan in Lautaro uu ku biirayo Los Blancos.

Magaca Lautaro Martínez oo 23 jir ah ayaa lala xiriirinayay inuu ku biirayo kooxda reer Spain ee Barcelona, maadaama ay Barca u aragto inuu yahay badelka saxda ah xiddiga reer Uruguay ee Luis Suarez, oo la filayo inuu ka tagayo garoonka Camp Nou xagaagan.

Wargeysyada qaar ayaa waxay labadii maalmood ee la soo dhaafay muujiyeen in Real Madrid ay heshiis la gaartay Lautaro Martinez, isla markaana la filayo inay dhameystiro.

Laakiin Alberto Yaqué oo ah wakiilka Lautaro Martínez ayaa soo afjaray wararka xanta ah ee ku saabsan inuu xiddiga reer Argentina ka tagayo kooxda Inter Milan xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Wargeyska “Tuttomercato” Wakiilka Lautaro Martínez ee Carlos Alberto Yaqué ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Ma kala hadashaa maamulka Real Madrid wax ku saabsan arrinta Lautaro Martinez? Waxay ahayd booqasho maamuus leh, waana intaas”.

“Ma jiraan wax Real Madrid iyo Barcelona ah oo ku saabsan Lautaro Martínez, Lautaro wuxuu la sii joogi doonaa Inter Milan”.

Waxaa xusid mudan in qandaraaska Lautaro Martinez ee kooxdiisa Inter Milan uu dhacayo xagaaga 2023.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close