RASMI: Aubameyang oo heshiis cusub qalinka ugu duugay Kooxdiisa Arsenal… (Meeqa sano ayuu u saxiixay Gunners?)

(London) 15 Sebt 2020. Pierre-Emerick Aubameyang ayaa heshiis cusub oo qalinka ugu duugay kooxdiisa kubadda cagta Arsenal.

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xaqiijisay inay heshiis cusub oo saddex sanadood ah ka saxiixatay ciyaaryahankeeda weerarka uga dheela ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Waxa uu Aubameyang heshiiskan cusub ee saddexda sanadood ah uu ku qaadanayaa isbuuciiba £250,000 (Labo boqol iyo konton kun oo gini).

Taasi waxa ay ka dhigan tahay inuu yahay ciyaaryahanka labaad ee ugu mushaharka badan kooxda Arsenal, isagoo kaliya ka dambeeya Mesut Ozil oo todobaadkii qaata £350,000 (Saddex boqol iyo konton kun oo gini).

Aubameyang ayaa ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanka sanadka ee Kooxda Arsenal xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay 29 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close