Muxuu ku jawaabay tababare Lampard mar wax laga weydiiyay haddii ay kooxdiisa Chelsea u baahan tahay saxiixa goolhaaye cusub??

(London) 15 Sebt 2020. Macalinka kooxda Chelsea ee Frank Lampard  ayaa la weydiiyay haddii uu doonayo inuu la soo saxiixdo goolhaye cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Frank Lampard ayaa su’aashan la weydiiyay wuxuu ka bixiyay jawaab aan dhameystirneyn, xilli la fahansan yahay in goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga uu sameynayo bandhig aan fiicneyn.

Frank Lampard  ayaa ciyaarta kaddib waxaa la weydiiday su’aashan, wuxuuna ku jawaabay:

“Ma ahan xilligan, laakiin weli waxaa jira dhowr toddobaad ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay waxqabadka Kepa Arrizabalaga, marka laga hadlayo shuudkaas, uma maleynayo inuu wax ka fiican sameyn lahaa”.

“Hadii aan la saxiixano goolhaaye tartan dartiis, markaa waxay noqon doontaa tartan oo kaliya, tani waa dabeecada Chelsea”.

Si kastaba ha ahaato, Kepa Arrizabalaga ayaa noqday goolhayaha ugu qaalisan adduunka kaddib markii uu Chelsea kaga soo biiray kooxda Athletic Bilbao aduun dhan 80 million euros sanadkii 2018, laakiin wuxuu ku guuldarreystay inuu soo bandhig fiican ka sameeyo kooxda reer London.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close