Kooxda Arsenal oo la shaaciyey qiimaha ay ku iibinayso Lucas Torreira

(London) 14 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa in la ogaaday qiimaha ay ku iibinayso ciyaaryahankeeda Lucas Torreira.

Jariiradda Tuttosport ayaa warinaysa in kooxda reer London ee Arsenal ay qarka u saaran tahay inay Torreira ku iibiso adduun dhan 22 milya oo gini oo u dhiganta 28 milyan oo dollar.

Laacibkan khadka dhexe ee reer Uruguay ayaa la filayaa inuu isaga dhaqaaqi doono garoonka Emirates Stadium ka hor waqtiga kama dambeysa ah oo suuqu xirmi doono ee soo aaddan.

Tiro ka mid ah kooxaha ka dhisan Waddanka Talyaaniga ayaa aad u doonaya saxiixa xiddigan gaaban ee kooxda Arsenal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close