Chelsea oo guul ay u qalantay ka soo heshay kooxda Brighton oo ay booqatay… +SAWIRRO

(England) 14 Sebt 2020. Chelsea ayaa guul ay u qalantay kaga soo qaadatay kooxda Brighton garoonkeeda The American Express Community, kulankeeda ugu horeeyay horyaalka Premier League kal ciyaareedkan 2020-21, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3.
Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Chelsea.
Daqiiqadii 23-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii ay ka faa’ideysatay rigoore loo dhigay waxaana gool u badelay Jorginho oo 0-1 ka dhigay dheesha.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 54-aad kooxda Brighton & Hove Albion ayaa heshay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay dheesha xiddigooda Leandro Trossard, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Tariq Lamptey.
Laakiin daqiiqadii 56-aad naadiga Blues ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu 1-2 ka dhigay Reece James.
Kooxda Chelsea ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta daqiiqadii 66-aad, waxaana 1-3 ka dhigay daafacooda Kurt Zouma.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-3 ay ku soo adkaatay Chelsea oo ku booqatay kooxda Brighton & Hove Albion garoonkeeda The American Express Community, Blues ayaana gacanta ku dhigtay saddexdeeda dhibcood ugu horreysay horyaalka Premier League kal ciyaareedkan ee 2020-21.
SAWIRRO:
Gool FM.