Kevin De Bruyne oo ka hadlay wararka Lionel Messi la xiriirinayey inuu ku biirayo kooxda Man City

(Manchester) 13 Sebt 2020. Ciyaaryahanka khadka dhexe reer Belgium iyo kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa ka hadlay wararka Lionel Messi la xiriirinayay inuu ku biirayo Sky Blue xilliyadii la soo dhaafay.

Lionel Messi ayaa ka codsaday maamulka kooxda Barcelona in laga fasaxo garoonka Camp Nou, balse xiisadda ayaa ugu dambeyntii dhamaatay, kaddib markii uu Messi go’aansaday inuu iska sii joogo Blaugrana xilli ciyaareedka cusub, xilli qandaraaskiisa Barca uu dhacayo xagaaga 2021.

Kevin De Bruyne ayaa wareysi uu bixiyay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England, wuxuu kaga hadlay suurtogalnimada uu Messi ku imaan karo Man City, wuxuuna yiri:

“Waxba igama gelin, haddii uu nagu soo biirayo, wuxuu nagu caawin doonaa inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican abid, laakiin aniga ahaan ma fiiriyo ciyaartooyda imaan karta iyo waxyaabaha dhici kara”.

“Waxaad ka garab ciyaareysaa ciyaartoyda aad heysato, waxaana heysanaa koox fiican, waxay noqon doontaa doqonimo haddii aan ka fikirno waxa dhici doona haddii ciyaaryahan nagu soo biiro”.

“Kubadda cagta wax badan ayeey ka dhacdaa in la hadal hayo imaatinka ciyaartooy, ugu dambeyntiina ma imaanayaan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close