De Bruyne oo fariin digniin ah u diray kooxda difaacaneysa Premier League-ga ee Liverpool

(Manchester) 13 Sebt 2020. Kubad sameeyaha reer Belgium iyo kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa Liverpool uga digay dhibaatada ay leedahay difaacashada horyaalka Premier League.

Kevin De Bruyne ayaa u sheegay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England:

“Wey ka dhib badneyd sidii aan filaynay, waxaan u baahneyn inaan si weyn ula dagaalano Liverpool, si aan u dhameystirno shaqada”.

“Maskax ahaan waa wax xoogaa adag, waxaa jira kooxo qaar oo diirada saaraya guuldaradaada”.

“Dadka qaarkiis way ku adkaataa kaddib markay guuleystaan ​​inay dib u soo ceshadaan dareenkaas mar kale, way adag tahay in la abuuro isla dareenkaan, xitaa isla kooxdii”.

“Waxa jira waxyaabo badan oo nolosha ka mid ah, oo shaqsi ahaan u socda, wax kasta oo yar waxaa suurtogal ah inay isbadelaan, sida dhaawac”.

“Kubbadda cagta waxay ku xiran tahay duruufaha, runtiina way adag tahay in la isku dayo oo mar la guuleysto, dabcanna waxay noqon doontaa wax adag inaad guuleysato laba jeer”.

“Waxaan u maleynayaa in Liverpool ay markale gaari karto isla heerkaas, uma arko inaad u baahan tahay inaad bedesho kooxda si aad u abuurto isla dareenkii ama hamigii hore, laakiin ma aqaano waxa ay dareemayaan iyo waxay doonayaan, waa mid qof walba u gaar ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close