Ronald Koeman oo ugu dambeyntii go’aamiyey mustaqbalka Suarez ee Barcelona

(Barcelona) 12 Sebt 2020. Tababaraha cusub kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ugu dambeyntii go’aamiyay mustaqbalka Luis Suarez ee garoonka Cump Nou.

Wararka qaar ayaa xaqiijiyey in la gaaray xilligii uu Suarez ka tagi lahaa kooxda Barcelona, ka hor inta uusan laacibka ku beenin wararkan boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo”, Ronald Koeman ayaa soo afjaray xiriirkii Luis Suarez iyo Barcelona, weeraryahanka reer Uruguay mar kale uma ciyaari doono kooxda wax kulan ah.

Wargeyska ayaa tilmaamay in macalinka reer Holland uu damacsan yahay inuu ka saaro Suarez liiska kulanka saaxiibtinimo, maanta oo Sabti ah, isagoo aan sheegin sababaha.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Arturo Vidal uu mari doono isla wadadaas, sababtoo ah Ronald Koeman ayaa doonaya inuu ka maarmo adeegiisa, inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Waxaa lagu soo waramayaa in Suarez dhawaanahan lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Juventus, halka wararka saxaafadda ay sheegayeen in Vidal uu ku dhow yahay inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Inter Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close