RASMI: Kooxda Barcelona oo shaacisay Magacyada Afarteeda Kabtan ee xilli ciyaareedkan cusub

(Barcelona) 12 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaacisay magacyada afarteeda kabtan ee kooxda hoggaamin doona xilli ciyaareedkan cusub.

Barcelona waxa ay xaqiijisay in Messi, Busquets, Pique & Roberto ay yihiin kabtannadeeda xilli ciyaareedkan cusub.

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa loo codeeyey inuu yahay Kabtanka koowaad ee kooxda, halka kabtan labaad uu noqon doono Sergio Busquets.

Gerard Piqué ayaa ahaan doona xilli ciyaareedkan kabtanka saddexaad, halka Sergi Roberto uu dhammaystiri doono magacyada afarta kabtan ee kooxda Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close