Liverpool oo guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Leeds United garoonka Anfield… +SAWIRRO

(Liverpool) 12 Sebt 2020. Liverpool ayaa guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Leeds United garoonka Anfield, kulankeeda ugu horeeyay horyaalka Premier League kal ciyaareedkan 2020-21, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-3.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 3-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta kooxda Liverpool ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay Mohamed Salah, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay Reds.

12 daqiiqo marka ay dheesha aheyd Leeds United ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Jack Harrison, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Kalvin Phillips.

Daqiiqadii 20-aad Liverpool ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii 2-1 ka dhigay Virgil van Dijk, waxaana goolkan ka caawiyay Andrew Robertson.

Leeds United ayaa markale heshay goolka barbardhaca daqiiqadii 30-aad kaddib markii 2-2 ka dhigay Patrick Bamford.

33 daqiiqo Mohamed Salah ayaa markale hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Liverpool, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-2.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin 66 daqiiqo marka ay ciyaartu aheyd Leeds United oo mucjiso ku noqotay Liverpool kulankan ayaa markii saddexaad heshay goolka barbardhaca, kaddib markii uu 3-3 ka dhigay Mateusz Klich, waxaana ka caawiyay goolkan saaxiibkiis Helder Costa.

Daqiiqadii 88-aad ee dhamaadka dheesha kooxda Liverpool ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay Mohamed Salah, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 4-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4-3 ay kaga adkaatay Liverpool kooxda Leeds United oo marti ugu aheyd garoonka Anfield, Reds ayaana gacanta ku dhigtay saddexdeeda dhibcood ugu horreysay horyaalka Premier League kal ciyaareedkan ee 2020-21.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close