Arsenal oo guul ay u qalantay ku furatay Premier League kal ciyaareedkan 2020-21, kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Fulham… +SAWIRRO

(London) 12 Sebt 2020. Arsenal ayaa guul ay u qalantay kaga furatay kulankeeda ugu horeeyay horyaalka Premier League kal ciyaareedkan 2020-21, kaddib markii ay kaga soo adkaatay kooxda Fulham oo ay marti ugu noqotay garoonka Craven Cottage 0-3.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Arsenal.

Daqiiqadii 9-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 0-1 ka dhigay Alexandre Lacazette. oo nasiib u yeeshay inuu daah furo gooldhalinta horyaalka Premier League kal ciyaareedkan 2020-21.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad Gunners ayaa dhalisay goolkeedii labaad ee ciyaarta, waxaana 0-2 ka dhigay Gabriel, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis reer Brazil ee Willian.

57 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Pierre-Emerick Aubameyang ayaa hoggaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Arsenal wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3, xilli uu markale goolkan caawiyay Willian.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-3 ay ku adkaatay Arsenal oo marti ugu aheyd kooxda Fulham garoonka Craven Cottage, xilli Gunners ay gacanta ku dhigtay saddexdeeda dhibcood ugu horreysay horyaalka Premier League kal ciyaareedkan ee 2020-21.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close