“Messi waa kan ugu fiican, waxaana rajaynayaa inuu markale xilli ciyaareedkan is-muujin doono” – Ronald Koeman

(Barcelona) 11 Sebt 2020. Ronald Koeman ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay waxa uu ka arkay kooxdiisa ​​Barcelona ee xerada tababarka.

Blaugrana ayaa isug diyaarineysa si weyn iyagoo kulan saaxiibtinimo la ciyaari doono kooxda Gimnastic de Tarragona, in kastoo xoogaa jahwareer uu ka jiro garoonka tababarka, haddana Koeman wuxuu ku faraxsan yahay sida diyaar garowgu u socdo.

Macalinka cusub Barcelona ee Ronald Koeman ayaa u sheegay warbaahinta, kaddib shir jaraa’id uu maanta ka soo muuqday:

“Tababarku wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan”.

“Waxaan isla qaadanay labo todobaad, ciyaartoyduna si fiican ayey u shaqeynayaan”.

“Ciyaartoyda waxay muujiyeen niyad badan, xiiso iyo xoog, taasna waa waxa ugu muhiimsan, sababtoo ah aniga ahaan waxay ila tahay inaad tababarataa si aad u ciyaarto”.

Ronald Koeman New Barcelona Head Coach Presentation

“Aad ayey muhiim u tahay aadna waan ugu faraxsanahay shaqada ay kooxdu qabatay labadan toddobaad”.

Koeman ayaa qorsheynaya inuu isku shaandheyn ku sameeyo kooxdiisa kulanka saaxiibtinimo ay la ciyaari doonaan Gimnastic de Tarragona, wuxuuna yiri:

“Ciyaaryahan kasta wuxuu helayaa 45 daqiiqo; wuxuu noqon doonaa kulan ay ciyaarayaan dhamaan ciyaartoyda”.

Ninka reer Holland ayaa sidoo kale ka hadlay soo laabashada Lionel Messi wuxuuna yiri.

“Isagu waa kan ugu fiican”.

“Messi waa ciyaaryahan weyn oo muhiim ah, taasna wuxuu muujiyay sanado badan”.

“Waxaan rajeynayaa inuu ku celin karo taas xilli ciyaareedkaan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close