“Waxaan heysanaa wax aan kaga fiicanahay heshiisyada kooxda Chelsea” –Klopp

(Liverpool) 10 Sebt 2020. Macalinka reer Germany iyo kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa faallo ka bixiyay xaaladda Reds ee suuqan xagaaga.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Jürgen Klopp, wuxuuna yiri:

“Waxaan hadda ku noolnahay adduun ay ku jiraan waxyaabo badan oo aan la xaqiijin Karin”.

“Xaaladaan kuma xirna qaar ka mid ah kooxaha ay dowladu leedahay ama ganacsatada taajiriinta ah. Tani waa runta. Liverpool waa koox ka duwan kooxaha kale”.

“Waxaan gaarnay finalka Champions League labo sano ka hor, waxaana ku guuleysanay koobka UCL sanadkii hore, waxaa naloo caleemo saaray horyaalkii Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay iyadoo loo marayo isla kooxda aan hada heysano”.

“Kuma badeli karno kooxda hal habeen, kaddibna aan dhahno hadda waxaan dooneynaa inaan u dhaqanno sida Chelsea”.

Kooxda Chelsea ayaa dhameystirtay in ka badan hal heshiis oo cajiib ah xagaagan, oo ay ku jiraan Hakim Ziyech, Kai Havertz, Thiago Silva, Timo Werner, Malang Sarr iyo Ben Chilwell.

Jürgen Klopp oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri:

“Waxay la soo saxiixdaan ciyaartoy badan tani waxay noqon kartaa faa’iido, laakiin taasi waxay la micno tahay horta waa inay is fahmaan”.

“Lama saxiixan kartid 11-ka ciyaaryahan ee aduunka ugu fiican, waxaan rajeyneynaa toddobaad kaddib, inay soo bandhigi doonaan qaab ciyaareedka ugu fiican”.

“Waxay ku xiran tahay in laga wada shaqeeyo goobta tababarka, taasina waxay u muuqataa inay faa’iido noo tahay. Sababtoo ah muddo dheer ayaan soo wada shaqeynay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close