Saúl Ñíguez oo ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Manchester United

(Madrid) 10 Sebt 2020. Xiddiga qadka dhexe kooxda Atletico Madrid ee Saúl Ñíguez ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya inuu ku biirayo kooxda Manchester United, inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Xiddiga reer Spain ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Manchester United inta lagu jiro suuqan xagaaga ee hadda socda, si loogu xoojiyo qadka dhexe ee Red Devils.

Saúl Ñíguez ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu ka falceliyay wararka la xiriirinaya kooxda Manchester United iyo ammaantii uu ka helay Rio Ferdinand.

Xiddiga reer Spain ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay:

“Hagaag, xaqiiqdii, waa wax aad u fiican”.

“Waxaan dareemayaa farxad aad u weyn in koox sida Manchester United ah ama kooxo kale oo aniga wax iga weydiinaya, aniga ahaan, tani waa arrin aad u wanaagsan”.

“In kooxahaas ay si fiican kaaga hadlayaan waxay la micno tahay inaan wax fiican ka qabanayo Atletico Madrid” ayuu yiri xiddiga reer Spain ee Saúl Ñíguez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close