RASMI: Madaxweynaha Kooxda Napoli ee Aurelio De Laurentiis oo uu ku dhacay Korona Fayras

(Naples) 10 Sebt 2020. Madaxweynaha Kooxda Napoli ee Aurelio De Laurentiis ayuu ku dhacay Korona Fayras, laakiin waxaa la soo sheegayaa inuu xaadiray kulankii shalay ee Lega Serie A, inkastoo uu lahaa calaamado la xiriira caabuqan.

Waxaa jiray warar xalay la isla dhexmarayay oo sheegayay in mid ka mid ah Madaxweynayaashii ama Agaasimayaasha ka qeyb galay kulankii 20-ka naadi ee ka dhacay magaalada Milano laga halay Korona Fayras.

Waxaase Saaka la shaaciyey, iyadoo la adeegsanayo bayaanka ka soo baxay kooxda in shaqsigaasi laga helay Korona Fayras uu yahay Madaxweynaha Napoli ee De Laurentiis.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close