RASMI: Kooxda Barcelona oo xaqiijisay Samuel Umtiti uu ka soo kabsaday Korona Fayras

(Barcelona) 09 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaqiijisay in ciyaaryahankeeda Samuel Umtiti uu ka soo kabsaday xanuunkii ku dhacay ee caabuqa Korona Fayras.

Xiddiga reer France ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto tababarka kooxda Barcelona, isla markaana uu si shaqsi ah tababarkiisa u qaato illaa uu taam buuxa u noqonayo inuu la tababarto kooxda inteeda kale.

Samuel Umtiti ayaan qeyb ka ahayn qorsha tababare Ronald Koeman ee xilli ciyaareedka soo socda, isla markaana waxaa la filayaa in mustaqbalkiisa uu yaalo meel kale.

Kooxda iyo Tababaraha reer Holland midkooda kuma tiirsana kooxda sababo la xiriira qaab ciyaareedkiisa aan joogtada ahayn iyo rikoorkiisa dhaawacyada.

Dhanka kale, Miralem Pjanic ayaa sidoo kale ka soo kabsaday caabuqa Korona Fayras, waxaana la filayaa inuu dhowaan u safro gobolka Catalonia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close