RASMI: Bayern Munich oo xaqiijisay in Ivan Perisic uu kooxda ka tagay kuna biirayo…

(Munich) 09 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee dalka Jarmalka ayaa xaqiijisay in Ivan Perisic uu ka tagay, isla markaana uu dib ugu laabanayo naadiga Inter Milan ee dalka Talyaaniga.

Ivan Perisic ayaa dib ugu laabanaya Kooxda Inter Milan kaddib hal xilli ciyaareed oo amaah ah oo uu ku qaatay Bayern Munich, isla markaana uu kula guuleystay tartanka Champions League.

“Waxaan jecelahay inaan mahadsanid iraahdo Ivan bandhigiisii wacnaa iyo weliba waxtarkiisii saddexleydeenna koobabka ah.” ayuu yiri macallinka kooxda Bayern Munich ee Hansi Flick.

Ivan Perisic ayaa kooxda reer Jarmal kula guuleystay saddexleyda koobab ee kala ah; Champions League, horyaalka Bundesliga iyo DFB-Pokal.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close