Luis Suarez oo bartiisa Instagram-ka soo dhigay Sawir iyo Farriin xasaasi ah… (Muxuu kaga hadlay?)

(Barcelona) 09 Sebt 2020. Luis Suarez ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay sawirkiisa oo laga qaaday intii uu ku guda jiray tababarkii kooxda Barcelona ee maanta oo Arbaco ah iyo waliba farriin xasaasi ah.

Weeraryahanka reer Uruguay ayaa ogolaaday heshiis uu ugu biirayo Juventus, laakiin waxaa jira sheekooyin kale oo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalkiisa.

“Inkastoo warar been abuur ah ay soo baxayaan, aniga …,” ayuu ku qoray bartiisa gaarka ah ee Instagram-ka oo uu wehliyo sawir emoji ah oo dhoola caddeynaya, kaasoo u muuqda mid jawaab u ah warbixinnada qaar ee ku saabsan weeraryahanka.

Isku soo duuboo sawirkaan iyo qoraalka uu ku soo dul qoray xiddigan reer Uruguay ayaa ka dhigan, inkastoo warar been abuur ah ay jiraan oo ku saabsan mustaqbalkayga, haddana anigu waan iska dhoolla-caddeynayaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close