Lionel Messi oo ugu dambeyn maanta tababarka Barcelona kala soo muuqday guud ahaan xiddigaha kale ee Kooxda

(Barcelona) 09 Sebt 2020. Kaddib markii uu tababar kaligiis ah qaadanayey shalay iyo daraad kabtan Lionel Messi ayaa dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee naadiga isagoo tababarka maanta kala soo muuqday xiddigaha kale ee kooxda.

Horay ayuu Messi u sheegay inuu xilli ciyaareedkan 2020/21 sii joogayo Barcelona, kaddib markii uu horay naadiga uga codsaday inuu ka tago xagaagan oo laga diiday.

Xiddiga reer Argentine ayaa maanta oo Arbaco ah awooday inuu markii ugu horreysay tababarka kala soo muuqdo tababare Ronald Koeman, maadaama labadii maalmood ee hore uu tababar gaar ah qaadanayey kaligiis.

Philippe Coutinho, Sergio Busquets, Frenkie de Jong iyo Ansu Fati ayaa sidoo kale tababarka dib ugu soo laabtay maanta, halka xiddigaha reer France ee Clement Lenglet iyo Antoine Griezmann ay weli ka maqan yihiin tababarka kooxda, maadaama ay jiraan waajibaadka qarankooda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close