Kooxda Barcelona oo heshiiska shaqsiga ah la gaartay Memphis Depay

(Barcelona) 09 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay heshiiska shaqsiga ah la gaartay Memphis Depay, iyadoo xiddiga reer Holland uu hadda ku sii dhowanaayo inuu u dhaqaaqo Garoonka Camp Nou.

Shabakadda Sky Italy ayaa warinaysa in Memphis Depay uu heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ee Barcelona.

Dhanka kale Suxufiga dhanka suuqa kala iibsiga looga dambeeyo ee Fabrizio Romano, waxa uu isna ku waramayaa in Memphis Depay uu heshiiska shaqsiga ah la gaartay Barcelona si uu ugu biiro, laakiin koxoda uu ka tirsan yahay ee Lyon aysan weli ogolaan inay laacibkan iibiso.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa doonaya in xiddigan ay isku waddanka yihiin uu ku darsado shaxdiisa xilli ciyaareedka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close