Donny van de Beek oo ka soo muuqday Tababarkiisii ugu horreeyey ee Kooxda Manchester United… + SAWIRRO

(Manchester) 09 Sebt 2020. Ciyaaryahanka Donny van de Beek ayaa maanta ka soo muuqday tababarkiisii ugu horreeyey ee kooxdiisa cusub ee Manchester United.

Donny van de Beek ayaa yimid xerada tababaraka Carrington si uu u bilaabo noloshiisa cusub ee Kooxda Manchester United kaddib markii uu 40 milyan oo gini kaga soo dhaqaaqay Ajax.

23-sano jirkaan ayaa inta uu ku guda jiray tababarkiisii ugu horreeyey ee Manchester United waxa uu maanta la kulmay tababarihiisa cusub ee Ole Gunnar Solskjaer.

Xiddiga reer Holland ayaa la filayaa inuu khadka dhexe ee Manchester United kala soo muuqdo xidigaha kale ee Paul Pogba iyo Bruno Fernandes, wuxuuna qaatay lambarka 34-aad.

Manchester United ayaa kulankeeda ugu horreeya horyaalka Premier League, waxa ay ku daah furan doontaa kulan ay 19 bishaan September ku soo dhoweynayso garoonkeeda Old Trafford kooxda Crystal Palace.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close