RASMI: Trent Alexander-Arnold oo ku guuleystay abaal-marinta da’yarka sanadka ee PFA

(Liverpool) 08 Sebt 2020. Trent Alexander-Arnold ayaa ku guuleystay abaal-marinta da’yarka sanadka ee PFA, taasoo uu ku noqday da’yarka ugu wanaagsanaa guud ahaan Ingiriiska xilli ciyaareedkii tagay, waxaana uu ku garaacay dhowr xiddig oo da’yar ah kuwaasoo bandhig cajiib ah ku jiray fasal ciyaareedkii tagay.

Daafacan Trent Alexander-Arnold ayaa ku guuleystay abaal-marinta da’yarka sanadka ee PFA, (PFA Young Player of the Year), kaddib markii uu ka mid noqday xiddigihii bandhigga wacan sameeyey xilli ciyaareedkii 2019-20 ee kooxdooda Reds ku hoggaamiyey horyaalka Premier League.

21-sano jirkaan ayaa abaal-marintan ku garaacay xiddigaha Manchester United ee  Dean Henderson, Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Mason Greenwood, si la mid ah labada xiddig ee Chelsea, Mason Mount & Christian Pulisic iyo Kabtanka Kooxda Aston Villa ee Jack Grealish.

Waa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Liverpool ka tirsan oo ku guuleysta abaal-marintan tan iyo Steven Gerrard oo qaatay sanadkii 2001, iyadoo labadii jeer ee ugu dambeysay abaal-marintan ay ku kala guuleysteen labada ciyaaryahan ee Manchester City, Raheem Sterling iyo Leroy Sane, inkastoo kan dambe uu ka tagay haatan kooxda reer England.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close