RASMI: Kevin De Bruyne oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee PFA

(Manchester) 08 Sebt 2020. Laacibka khadka dhexe ee Kooxda Manchester City, Kevin De Bruyne ayaa ku guuleystay abaal-marinta ee PFA xiddiga sanadka ugu wanaagsanaa guud ahaan Ingiriiska xilli ciyaareedkii tagay, waxaana uu ku graacay dhowr xiddig oo kooxda Liverpool ah.

Xiddiga xulka qaranka Belgium ayaa barbareeyey rikoorka xiddiga ugu caawinta badnaa hal xilli ciyaareed horyaalka Premier League ee 20 caawin uu ku haystay Thierry Henry, iyadoo Man City ay ku dhammaysatay kaalinta labaad ee horyaalka, iyadoo ka hooseysatay kooxda horyaalka Premier League ku guuleystay ee Liverpool.

De Bruyne ayaa abaal-marinta ku garaacay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Raheem Sterling, kaasoo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee Man City, kaasoo xilli ciyaareedka ku dhammaysta meel ka sarreysa dhanka goolasha Sergio Aguero tan iyo markii xiddiga reer Argentine uu yimid kooxda Sky Blues sanadkii 2011.

Waxa uu De Bruyne uu sidoo kale abaal-marinta tartankeeda kaga adkaaday xiddiga kooxda Liverpool ee afarta ah, kuwaasoo kala ah; Trent Alexander-Arnold, Jordan Henderson, Virgil Van Dijk iyo Sadio Mane.

Kubbad-sameeyahan ayaa noqday ciyaaryahankii  ugu horreeyey ee Manchester City ah ee abaal-marinta PFA ku guuleysta taariikhda, waxaana ay ugu soo beegantay abaal-marintani xilli uu dhowaan noqday Aabbe oo uu wali farxadda ilmihiisa yar la qaybsanayo qoyskiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close