RASMI: Kaddib James Rodriguez Kooxda Everton oo xaqiijisay saxiix kale oo muhiim ah

(Liverpool) 08 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Everton ayaa xaqiijisay saxiixa Abdoulaye Doucoure, kaasoo ay kala soo wareegeen naadiga heerka labaad u laabtay ee Watford.
Laacibka khadka dhexe ee reer France ayaa kooxda Toffees ugu biiray heshiis la rumeysan yahay inuu ku kacayo qiyaastii 22 milyan oo gini kaddib afar xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa kooxda Hornets lagu naynaaso.
Doucoure ayaa Everton u saxiixay heshiis cusub oo sadex sanadood ah, kaasoo uu qiyaar u haysto inuu ku darsado sanad kale oo afaraad.
Doucoure ayaa cago dhigtay garoonka Goodison Park, iyadoo kooxda Everton ay maalmahaan si weyn ugu mashquulsan tahay suuqa kala iibsiga kaddib markii ay Isniintii xaqiijiyeen saxiixa James Rodriguez, kaasoo ay kala soo wareegeen Real Madrid.
✍️ | Abdoulaye Doucouré has completed a transfer from Watford for an undisclosed fee, signing a three-year deal with a Club option for a fourth season.#BienvenueDoucouré
— Everton (@Everton) September 8, 2020
New step in my career, very happy to have signed for @Everton. Can’t wait to start the new season and achieved all the objective of the club. Come On Blues 🔵🔵 pic.twitter.com/8kRSN3KU1W
— Abdoulaye Doucouré (@abdoudoucoure16) September 8, 2020
Gool FM.