Memphis Depay oo ka hadlay wararka la xiriirinaya inuu ku biirayo kooxda Barcelona

(Yurub) 08 Seb 2020. Weeraryahanka reer Holland iyo kooxda Lyon ee Memphis Depay ayaa xaqiijiyay xiisaha kaga imaanaya naadiga Barcelona, si ay ula saxiixdaan inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Magaca Memphis Depay, oo 26 jir ah, ayaa lala xiriiriyay u dhaqaaqistiisa kooxda Barcelona, ​​kaddib markii ay wargeysyada xaqiijiyeen in tababaraha cusub Blaugrana ee Ronald Koeman uu doonayo adeega laacibkan.

Memphis Depay ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah ee “Goal” wuxuu kaga hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Barcelona, wuxuuna yiri:

“Xiisaha ay ii qabto Barcelona? waa inaan aragnaa waxa dhaca, waan ogeysiin doonaa Lyon, waana arki doonaa waxa dhaca”.

“Wax badan kama aanan maqal wakiilkeyga, laakiin waan ogahay in Barcelona ay xiiseyneyso aniga, mana hayo wax badan oo aan sheego sababtoo ah wax badan kama ogi arintan”.

Waxaa xusid mudan in Memphis Depay uu u ciyaaray kooxdiisa Lyon 22 kulan xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna ku guulaystay inuu dhaliyo 15 gool, halka sidoo kale uu caawiyay 2 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close