Chelsea oo xiiseyneysa inay la soo saxiixato laacibka kooxda PSG ee…..

(London) 08 Seb 2020. Shabakada “Le10Sport” ee dalka Faransiiska ayaa shaacisay in kooxda kubadda cagta Chelsea ay ku fikireyso inay la soo saxiixato goolhaayaha Paris Saint-Germain ee Alphonse Areola.

Alphonse Areola ayaa ugu ciyaaray Real Madrid qaab ahaam oo hal xilli ciyaareed ah xagaagii hore, kaddib wuxuu ku laabtay kooxdiisa  Paris Saint-Germain xagaagan.

Waxay noqotay wax aan macquul aheyn in Alphonse Areola uu fursad ka helo safka kooxda Paris Saint-Germain, gaar ahaan kaddib bandhiga cajiibka ah uu ka sameeyay Keylor Navas naadiga PSG xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Haddaba Shabakada “Le10Sport” ayaa tilmaamtay in Chelsea loo soo bandhigay inay qandaraas la gasho goolhayaha reer France ee Alphonse Areola inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, si uu badel ugu noqdo goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga oo la filayo inuu ka tagi doono Blues.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Chelsea ay u dhaqaaqi doonto saxiixa Alphonse Areola haddii ay ku guuldareysato saxiixa goolhaayaha kooxda Rennais ee Edouard Mendy oo ay ka dhiganeyso bar-tilmaameedkeeda koowaad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close