RASMI: Man City oo shaacisay in labo ka mid ah xidddigaheeda uu ku dhacay Korona Fayras

(Manchester) 07 Seb 2020. Manchester City ayaa shaacisay in labo ka mid ah xidddigaheeda uu ku dhacay Korona Fayras.
Kooxda reer England ayaa xaqiijisay in labadeeda ciyaaryahan ee Riyad Mahrez iyo Aymeric Laporte uu ku dhacay Korona Fayras.
Labada ciyaaryahan ayaa hadda waxay gali doonaan karantiin 14 maalmood oo gaargaar ah, iyadoo la raacaayo nidaamka u dagsan dowlada Ingiriiska.
Si kastaba ha ahaatee, xiddigaha Riyad Mahrez iyo Aymeric Laporte ayaa seegi doona kulamada ay kooxdooda ciyaareyso bilawga xilli ciyaareedka, iyadoo horyaalka Premier League uu firmi doono bartamaha bishan.
Gool FM.