RASMI: James Rodríguez oo ku biiray horyaalka Premier League

(England) 07 Seb 2020. Naadiga reer England ee Everton ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay kala soo saxiixatay xiddiga reer Colombia ee James Rodríguez kooxda Real Madrid.

James Rodríguez ayaa qalinka ugu duugay kooxda reer England ee Everton heshiis labo sano ah, wuxuuna dooq u heystaa inuu ku darsan karo sanad kale oo dheeri ah.

James Rodríguez ayaa markii saddexaad dib ula midoobi doono tababaraha reer Talyaani ee Carlo Ancelotti, kaddib markii uu kaga soo hoos shaqeeyay kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich.

Haddaba James Rodríguez ayaa ka hadlay dareenkiisa kaddib markii uu heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxda Everton, wuxuuna yiri:

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo kooxdan weyn, koox taariikh weyn leh, waxaana halkan joogo macalin si fiican ii garanaya”.

“Waxaan rajeynayaa inaan halkaan ku gaaro waxyaabo waaweyn, oo aan ku guuleysto koobab, taasoo ah ujeedka qof walba”.

“Waxaan halkan u imid inaan horumar sameeyo, oo aan fiicnaado, waxaan sidoo kale halkan u imid inaan ka caawiyo kooxda inay guuleystaan oo ay ciyaaraan kubad wanaagsan oo xiiso leh”.

“Waxaan ku qanacsanahay in Carlo Ancelotti iyo shaqaalaha tababarka aan ku guuleysan karno waxyaabo waaweyn, waxayna aheyd mid ka mid ah sababaha ugu waa weyn ee aan u saxiixay”.

“La shaqeynta Carlo Ancelotti, waxaan ku raaxeystay waqtiyo fiican oo aan kula qaatay isaga laba koox, tanina waxay ahayd mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee aan halkan u imid”.

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close