Luis Enrique oo ammaanay da’ayarka Ansu Fati kaddib wax qabadkiisa kulankii xalay ee Ukraine

(Spain) 07 Seb 2020. Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa ammaanay da’ayarka Ansu Fati, kaddib guushii weyneyd ay xalay ka gaareen xulka Ukraine.

Xulka Spain ayaa xalay guul ka gaaray dhigooda Ukraine kulankoodii labaad ee tartanka UEFA Nations League, kaddib markii ay kaga adkaadeen 4-0.

Luis Enrique ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kaddib ciyaarta wuxuu ku ammaanay da’ayarka kooxda Barcelona ee Ansu Fati, wuxuuna yiri:

“Kama walwalayo isaga sababo la xiriira inuu yahay da’ayar”.

“Way fududahay da’a ahaan in fikradaha qaar maskaxdiisa ay ku soo dhacaan, laakiin waa ciyaaryahan bisil, waana inuu ogaado in wadada ugu fiican ay tahay mida uu hadda ku socdo”.

“Waa qof aad u deggan, waana hubaa in maskaxdiisa aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin jawigan”.

Tababarihii hore ee kooxda Barcelona ayaa qirtay inuu la yaabay bilowgiisa heerka caalami ee xulka qaranka Spain, wuxuuna yiri:

Compliments of Sergio Ramos to Ansu Fati and an old 'enemy' of Luis Enrique  on the Ukrainian bench - Teller Report

“Ma dhihi doono lama yaabin, inkasta oo aan si fiican u aqaano, waxaana ogahay waxa uu awoodo isaga, ma xasuusto inaan horay u arkay bilowgan oo kale”.

“Wuu iga yaabiyey markii uu helay rigoore daqiiqadii labaad ee dheesha, wuxuu lahaan doonaa kulamo xun, laakiin sida uu kalsooni isugu qabo ma ahan wax caadi ah”.

Si walba oo ay ahaato, Ansu Fati wuxuu noqday ciyaartoygii ugu da’ada yaraa taariikhda xulka qaranka Spain ee gool dhaliya, isagoo jira 17 sano iyo 311 maalmood, kaddib markii uu xalay gool ka dhaliyay xulka Ukraine.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close