“Chelsea fursad weyn ayey u heysataa inay ugu guuleysato Premier League” – Nicolas Anelka

(London) 06 Seb 2020. Weeraryahankii hore reer France ee Nicolas Anelka ayaa aaminsan in kooxda Chelea ay heysato fursad weyn si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League.

Kooxda reer London ayaa ilaa iyo haatan suuqan xagaaga la soo saxiixatay xiddigaha kala ah Kai Havertz, Ben Chilwell, Timo Werner, Hakim Ziyech iyo Thiago Silva.

Shabakada “Goal” ayaa shaacisay hadalka Nicolas Anelka kaddib wareysi uu bixiyay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan u maleynayaa in Chelsea ay heysato fursad weyn si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League. waxay ku xirantahay waxa Liverpool iyo Manchester City ay sidoo kale sameyn doonaan”.

“Laakiin Frank Lampard wuxuu lahaa tayada uu ku fariistay booska afaraad ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore, isaga oo hadda sameeyay saxiixyo, wuxuu awood u leeyahay inuu ku guuleysto horyaalka”.

“Kaddib waxay ku xirantahay marka loo eego qibrada ciyaartoyda inay xooganyihiin oo ay tartami karaan ilaa dhamaadka, balse sidoo kale tayada Chelsea”.

“Sidaas darteed, waxaan u maleynayaa in mar koowaad, labaad ama saddexaadba, waxaan ugu dambeyntii arki doonaa koox fiican, waxaad u baahan tahay wax intaa ka badan si aad ugu guuleysato horyaalka, haddii aad eegto Liverpool iyo Man City, waxay heystaan ​​ciyaartoy da’ayar ah oo khibrad leh”.

“Waxaan u maleynayaa in Lampard uu caqli leeyahay, wuu ogaa waxa uu ubaahan yahay si uu awood ugu yeesho inuu guuleysto oo uu la tartamo kooxaha waa weyn waxaadna u baahantahay khibrad”.

“Weli waxaad heysataa fursad aad ku adeegsan karto xiddigaha yaryarka ah, waa inay maskax ahaan xoog yeeshaan si ay u tartamaan toddobaad kasta”.

“Tani waa kubadda cagta, markasta waa inaad tartantaa si aad u awoodo inaad ciyaarto, marka aad ku jirto koox weyn, waa sidaas oo kale”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close